
Xamuulka markabka ASANA ayaa dhaliyey su’aalo cusub, kaddib markii xog laga helay dukumentiyada maraakiibta ay tilmaantay in markabku shidaal ceeriin ka qaaday Karachi, halka Boosaaso lagu qoray meesha uu u socday.
Markabka calanka Tanzania wata waxaa 17-kii Luulyo koox hubaysan ku qabsatay meel ka baxsan xeebaha Yemen. Xogta raadraaca ee ay dib u eegtay Wakaaladda Wararka Associated Press waxay xaqiijisay in Boosaaso loo diiwaangeliyey meesha uu markabku u socday; markabka ayaa markii dambe lagu arkay biyaha gobolka Bari.
Xamuulka markabka ASANA muxuu ahaa?
Baaritaan ay daabacday Horseed Media 25-kii Luulyo ayaa sheegay in xog ay ka heshay ilo badeed ay xamuulka ku tilmaantay shidaal ceeriin oo laga soo raray Karachi. Hase yeeshee, Boosaaso ma laha warshad sifaysa shidaal ceeriin, Soomaaliya-na caadi ahaan waxay soo dejisaa naafto, baatrool iyo shidaal diyaaradeed oo la sifeeyey.
Illaa hadda ma jiro ganacsade shidaal, shirkad tamar ama cid kale oo si fagaare ah u sheegatay lahaanshaha xamuulka. Tani ma caddaynayso in dukumentiyada la been-abuuray ama in Boosaaso aysan ahayn halkii dhab ahaan loo waday; waxayse abuureysaa su’aal u baahan jawaab rasmi ah.
Dukumentiyo hore oo Pakistan lagu ogaaday
Baaritaanka Horseed wuxuu sheegay in Hay’adda Baarista Federaalka Pakistan, oo baarta dambiyada federaalka, ay markabka ku baartay dekedda Karachi bishii May. Shirkadda maamusha waxaa lagu ganaaxay 500,000 oo rubiyadood oo Pakistan ah, kaddib markii shaqaale Suuriyaan ah laga helay buug badmaaxnimo dhacay iyo dukumentiyo kale oo calanka markabka la xiriira oo maqnaa.
Mas’uuliyiinta Pakistan ma aysan xirin markabka, mana aysan ku eedayn fal dambiyeed. Sidaas darteed, khaladaadka dukumentiyadu waa arrin la xaqiijiyey, balse ma caddeynayaan tahriibin ama dembi kale.
Waxa weli aan la ogeyn
Xaaladda shaqaalaha, cidda leh xamuulka, meesha markabku hadda ku sugan yahay iyo ujeeddada safarkiisa weli si madax-bannaan looma xaqiijin. Eedeymo ku saabsan ku lug lahaanshaha Xuutiyiinta Yemen iyo dukumenti xamuul oo been ah lama taageerin caddayn madax-bannaan, sidaas darteed Gaawe uma soo bandhigayso xaqiiqo la xaqiijiyey.
Maamulka Puntland, shirkadda diiwaangashan ee markabka iyo hay’adaha maraakiibta Tanzania ayaan weli daabicin jawaab faahfaahsan. Gaawe waxay horay uga warrantay beenintii Puntland ee ku saabsanayd joogitaanka ASANA ee Caluula.